Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin oo mar kale qoraal soo saaray ayaa si weyn uga fal-celiyay tallaabooyinka ay qaadeen dhinacyada mucaaradka ee ku aadan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.
Fahad oo warbixintiisa ciwaan uga dhigay MUCAARAD MASUUL AH ayaa bogaadiyay fal-celinta xubnaha Madasha Samatabixinta, Midowga Haybad Qaran oo uu isagu ku jiro iyo jawaabtii Farmaajo ee lagu cambaareeyay go’aankii Israa’iil.
Agaasimihii hore ee NISA ayaa xusay in dhammaan xubnaha mucaaradka ay muujiyeen hab dhaqan wanaagsan oo u qalanta xaaladda uu dalka ku sugan yahay.
Agaasimihii hore ee NISA ayaa xusay in dhammaan xubnaha mucaaradka ay muujiyeen hab dhaqan wanaagsan oo u qalanta xaaladda uu dalka ku sugan yahay.
“Mucaaradka dalka waxay kala saareen ajandaha siyaasadda iyo ajandaha qaranka. Waa anshax siyaasadeed boogaadin buuxa mudan. Golaha Samatabixinta, Midowga Haybad Qaran iyo Madaxweyne hore Farmaajo, intuba waxay muujiyeen hab dhaqan wanaagsan oo u qalanta xaaladda uu Qaranku maanta ku sugan yahay” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad Yaasiin.
Sidoo kale, wuxuu weerar culus ku qaaday Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland oo weli ka aamusan xadgudubka Israa’iil, wuxuuna ku eedeeyay inay kala saari waayeen arrimaha siyaasaddae ee la’isku hayo iyo ajendaha qaranka.
War Helaa Talo Hela Wararka maanta