Home / WARARKA MAANTA / WAA KUMA ASKARIGA SOMALI KENYA ay ugu Necebyihiin Tuugada kenyanka ?

WAA KUMA ASKARIGA SOMALI KENYA ay ugu Necebyihiin Tuugada kenyanka ?

Ninkan Soomaaliyeed ee ka tirsan ciidamada booliska dalka Kenya ayaa waayadan dambe Kenyanka aad u faaninayaan.
Ali Nunow inta badan waxaa loo diraa goobaha ay ka dillaacaan amni-darro culus, wuxuuna muddo gaaban ku sugaa ammaanka halka loo diro.
Dowladda waddankan ayaa inta badan Ali Nunow u adeegsata meelaha ay ka jiraan tuugada halista ah, waxaana badanaa uu ku guuleystaa soo af-jariddooda amaan darida.
Meelaha uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ah xaafadaha ay ku nool yihiin tuugada waaweyn ee magaalada Nairobi sida Kariobangi, Kayole iyo Dandora.
Sidoo kale Kiambu ayuu howl culus ka soo qabtay.
Gobolka xeebta ayaa horaantii sannadkan waxaa ka dillaacay tuugo baangado ku hubeysan oo dadka dhici jirtay. Askar badan ayaa halkaas loo diray, balse dhammaantood way ku fashilmeen.
Ali Nunow ayaa halkaas loo diray, haatanna gobolka xeebta waa ammaan, tuugadiina tallaabo culus ayuu ka wada qaaday. Shacabka Kenyanka iyo sidoo kale booliska ayaa aad u ammaana Ali Nunow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recent Posts

Recent Comments

No comments to show.