Wargeyska ugu afka dheer dalka Kenya ee Daily Nation ayaa maanta soo bandhigay sawirrada qaar ka mid ah Soomaalida lacagta kasoo xaday dalka Mareykanka.
Nation ayaa xaqiijisay in lacagahan ay Soomaalida intooda badan ku iibsadeen guryo iyo hoteello casri ah.
Kenya waxaa hadda ku sugan sarkaal ka tirsan laanta dambi-baarista Mareykanka ee FBI.
Wargeyska ayaa sheegay in qaar ka mid ah Soomaalidan ay diyaar u yihiin in ay hantida ay lacagahan ku iibsadeen ku wareejiyaan dowladda Mareykanka.

Nin lagu magacaabo Liban oo lacagahan ku iibsaday hoteel casri ah oo ku yaalla magaalo xeebeedka Diani ee ismaamulka Kwale ayaa la sheegay in hoteelkaas uu ku wareejiyay xubno ka tirsan dowladda Mareykanka.
Guryo badan oo ka dhisan magaalada Nairobi ayaa maalmaha soosocda lagu waddaa in “auctioning” lagu sameeyo.
War Helaa Talo Hela Wararka maanta