Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa fahfaahin ka bixiyay aqoonsiga Somaliland.
“Waxaan ku farxay inaan goor dhow la hadlo Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, maalintan muhiimka ah ee labadeenna dalba u ah”. ayaa lagu yiri bayaanka wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa qiray in sanadkii la soo dhaafay uu xiriir ka dhaxeeyay labada dhinac.
“Sannadkii la soo dhaafay, iyadoo lagu saleynayo wadahadal ballaaran oo joogto ah, xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland ayaa yeeshay qaab iyo jihayn cad. Iyadoo la raacayo go’aanka” ayaa bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda lagu yiri.
Waxaa sidoo kale ay Israa’iil sheegtay in labada dhinac ay safiiro is waydaarsan doonaan.
“Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa maanta saxiixay heshiis ku saabsan is-aqoonsi wadajir ah iyo dhismaha xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, kaas oo ay ka mid noqon doonaan magacaabista safiirro iyo furitaanka safaarado”
“Waxaan ka wada shaqeyn doonnaa si aan u horumarino xiriirka u dhexeeya dalalkeenna iyo shucuubteenna, xasilloonida gobolka, iyo barwaaqada dhaqaale. Waxaan wasaaraddayda ku amray inay si degdeg ah u qaaddo tallaabooyin lagu rasmiyeeynayo looguna xoojinayo xiriirka labada dal ee dhinacyo badan oo kala duwan”
War Helaa Talo Hela Wararka maanta