Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo diblumaasiyadeed oo degdeg ah kula yeeshay khadka taleefoonka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD Mudane Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ahna hoggaamiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni.
Ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow wada-hadalka dhacay ayaa innoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu sidoo kale xubnaha mucaaradka ku casuumay xarunta Madaxtooyada, si ay u yeeshaan wada-hadallo toos ah oo ku aadan xaaladda soo korortay.
Falcelin xooggan iyo diidmo adag ayaa ka dhalatay go’aanka ay Israel ku aqoonsatay Somaliland, kaas oo shalay ay ku dhawaaqeen labada dhinac oo wada saxiixay heshiis muddo dheer usoo socday.
War Helaa Talo Hela Wararka maanta