Home / WARARKA MAANTA / Xasan oo BF la wadaagay laba arrin oo aysan u ogolaan doonin Israa’iil

Xasan oo BF la wadaagay laba arrin oo aysan u ogolaan doonin Israa’iil

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul kaga hadlay aqoonsiga sharci darrada ah ee ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland, isaga oo sheegay in waxa uu sameeyay Ra’iisul wasaare Netanyahu aysan horay usoo marin Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud “Tallaabada uu Natanyahu qaaday waa mid aan marnaba la aqabali Karin, waana mid xadgudub ku ah qawaaniinta caalamka, waxayna ka dhigantahay duullaan qaawan oo lagu soo qaaday madax banaanda dalka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaaliya ma ogola in dhulkeeda loo adeegsado duullaan lagu qaado dalal kale, taas bedelkeedana waxaan diyaar u nahay xasilloonnida caalamka.”

Madaxwynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud “Isku duubnida ay muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ee ku aaddan inaan madax bannaanidooda lagu xadgudbi karin waxey fariin cad u tahay Natanyahu iyo kuwa damaca xun.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recent Posts

Recent Comments

No comments to show.