Home / WARARKA MAANTA / DEG DEG: Al-Shabaab oo hanjabaad culus kasoo saartay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

DEG DEG: Al-Shabaab oo hanjabaad culus kasoo saartay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Kooxda argagixisada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, kaas oo la kulmay diidmo xooggan.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo soo duubay khudbad socotay 9:26 second ayaa sheegay in kooxda ay si weyn uga soo horjeedo heshiiska dhex-maray Somaliland iyo Israel, gaar ahaan aqoonsiga shalay lagu dhawaaqay.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in marnaba aysan aqbali doonin in Israel ay qabasato dhulkaas, isaga oo ku hanjabay inay ka dagaalami doonaan.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in marnaba aysan aqbali doonin in Israel ay qabasato dhulkaas, isaga oo ku hanjabay inay ka dagaalami doonaan.

“Haddii aan nahay Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin waxaan kasoo horjeednaa oo diideynaa damacaas ay Yahuudu ka leedahay maamulka ridada ah ee ka jira Waqooyi Galbeed. Ma aqbaleyno in qaybo kamid ah dhulkaas qaadato ama ay isticmaasho, waana ka dagaalameynaa” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu wax laga xumaado ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed ay soo dhaweystaan Israel oo uu sheegay ‘in laga nacay’ caalamka intiisa badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recent Posts

Recent Comments

No comments to show.