Home / WARARKA MAANTA / DEG DEG Xamaas ayaa cambaareysay aqoonsiga ay Israa’iil siisay “Soomaaliland”, KANA digtay Qorshe Falastiniyinta loogu rarayo SLAND

DEG DEG Xamaas ayaa cambaareysay aqoonsiga ay Israa’iil siisay “Soomaaliland”, KANA digtay Qorshe Falastiniyinta loogu rarayo SLAND

Xarakada Iska-caabbinta Islaamiga ah ee Xamaas ayaa cambaareysay aqoonsiga ay Israa’iil siisay “Soomaaliland”, iyada oo ku tilmaantay tallaabadaas mid khatar ah oo horay aan loo arag, isla markaana ah isku day lagu doonayo in lagu kasbado sharciyad been ah. Waxay sidoo kale ka digtay in gobolka Soomaalida ee gooni-u-goosadka ah loo adeegsado meel lagu barakiciyo Falastiiniyiinta si qasab ah oo laga soo raro Marinka Qasa.

Xamaas waxay war-saxaafadeed ay soo saartay maanta oo Sabti ah ku sheegtay in tallaabada ay qaaday dowladda Binyamiin Netanyahu ay muujinayso heerka qalalaasaha iyo go’doonka uu ku jiro maamulka Sahyuuniga, taasoo ka dhalatay dagaalka xasuuqa ah ee uu ka wado shacabka Falastiin ee ku nool Marinka Qasa.

Sidoo kale, Xamaas waxay ka digtay qorshayaasha Israa’iil ee lagu doonayo in si qasab ah loo barakiciyo Falastiiniyiinta, iyadoo si cad u muujisay diidmo buuxda oo ku aaddan in “Dhulka Soomaaliland” loo isticmaalo meel lagu dejiyo dadka Qasa laga barakicinayo. Tani waxay imaanaysaa xilli ay soo kordheen warbixinno ka hadlaya dadaallada gumeysiga ee lagu raadinayo goobo lagu dejiyo barakacayaasha ka imanaya Qasa.

Xamaas waxay intaas ku dartay in siyaasadaha Israa’iil ay si gaar ah ujeedadoodu tahay “kala-qaybinta dalalka Carabta, wiiqidda xasilloonidooda, iyo faragelinta arrimahooda gudaha”, si loogu adeego mashruuca gumeysiga Sahyuuniga.

Waxay sidoo kale bogaadisay mowqifyada dalalka Carabta iyo Islaamka ee si degdeg ah u cambaareeyay tallaabada khatarta ah ee Israa’iil, taas oo ku xadgudbeysa sharciga caalamiga ah, iyadoo carrabka ku adkaysay in aqoonsigaasi uu taabanayo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Mar kale, Xamaas waxay ka digtay siyaasadaha khatarta ah ee Sahyuuniyadda ee ujeedkoodu yahay kala-qaybinta dalalka Carabta, burburinta xasilloonidooda, iyo faragelinta arrimahooda gudaha, si loogu adeego mashruuca gumeysiga Sahyuuniga.

Ugu dambayn, Xamaas waxay ugu baaqday in la sii wado dadaallada caalamiga ah ee lagu go’doominaayo gumeysiga, laguna xisaabtamaayo hoggaamiyeyaashiisa dambiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada, isla markaana la xoojiyo go’doomintiisa heer rasmi iyo mid shacabba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recent Posts

Recent Comments

No comments to show.