Guutooyinka Cizziddiin Al-Qassam ayaa Isniintii si rasmi ah ugu dhawaaqay geerida shahiidnimo ee afhayeenkooda Abu Cubayda, iyagoo markii ugu horreysay shaaciyay magaciisa dhabta ah.
Bayaan ay soo saareen Guutooyinka ayaa lagu yiri:
“Waxaan baroordiiq u sameyneynaa hoggaamiyaha wajiga duuban ee Abu Cubayda, magaciisa dhabta ahna waa Xudhayfa Samir Cabdullaahi Al-Kaxluut (Abu Ibraahim), afhayeenka Guutooyinka Al-Qassam.”
Shahiidka Abu Cubayda wuxuu muddo sanado ah ahaa afhayeenka Guutooyinka Cizziddiin Al-Qassam, isaga oo aan waligiis hore loo shaacin magaciisa dhabta ah.
Waxa uu helay saameyn iyo taageero ballaaran oo heer Carbeed iyo Islaami ah, gaar ahaan kaddib hawlgalkii Duufaanta Al-Aqsa, oo ay iska-caabbinta Falastiiniyiintu ku qaadday saldhigyo iyo deegaanno gumeysi Israa’iil ah 7-dii Oktoobar 2023.
Muddooyinkii la soo dhaafay, Abu Cubayda wuxuu si joogto ah uga warrami jiray faahfaahinta iyo socodka hawlgallada milatari ee iska-caabbinta, isla markaana wuxuu caddeyn jiray mowqifyada jiidaha dagaalka, isaga oo ku xirnaa shacabka dunida ku dhowaad maalin kasta intii lagu jiray labadii sano ee la soo dhaafay.
War Helaa Talo Hela Wararka maanta
